Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Bisad ka baxsatay xabsi lagu hayay

Bisad ka baxsatay xabsi lagu hayay

0

Himilo – Mukulaal ku eedeysaneyd danbi ah safrinta daroogo ayaa la wariyay inay ka baxsatay xabsiga ugu wayn dalka Sri Lanka, halkaas oo ay ku xirneyd.

Inkastoo mas’uuliyiinta xabsiga ka hadal dhacdadan, hadana sida uu faafiyay warsidaha Aruna, mukulaasha ayaa ka baxsatay qol gaar ah oo ay kaga xirneyd xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Welikada.

Waaxda Sirdoonka Srilanka ayaa bisadda dhigtay xabsiga, kaddib markii la qabtay iyada oo qoorta loogu xiray boorso ka sameysan balaastig.

Waxaa boorsada dhexdeeda laga helay laba garaam oo darooga nooca loo yaqaano heroin, laba Simi card iyo memory card.

Dowladda Srilanka, ayaa la daalaadhaceysa dagaalka ay kula jirto daroogada, iyadoona todobaadkii hore ciidamada boliisku qabteen Gorgor lagu eedeeyay inuu u adeegayay koox tuugo ah oo doonayey in waxyaabo maanka dooriya galiyaan gudaha Colombia.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version