Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Bitcoin oo gaartay heerkii ugu sareysay taariiqda

Bitcoin oo gaartay heerkii ugu sareysay taariiqda

0

Himilo-Qiimaha Bitcoin ayaa gaaray ku dhawaad $90,000, iyadoo gaartay taariiqda heerkii ugu  sareysay.

24-kii saac ee ugu dambeysay, qiimaha lacagta cryptocurrency-ga ugu weyn ee Bitcoin ayaa wuxuu ku kacay $80,800 wuxuuna gaaray heer sare oo ah $89,900.

Toddobaadkii hore waxay joogtay $70,000, waxayna kor u kacay ilaa 30% toddobaad kadib guushii Donald Trump.

Guusha Trump owgeed suuqa Cryptocurrency waxaa laga filayaa hormaro wanaagsan, Maadaama Trump uu balan qaaday in uu qiimeyn doono lacagta Digitalka.

‘Mareykan-ku waxa uu noqondoonaa mustaqbalka halka laga hago Crypto” ayuu yiri Trump intii uu ku godajiray ololaha doorashada.

Cabbirka suuqa ee Bitcoin ayaa dhowaan ahaa $1.77 tiriliyan, sida laga soo xigtay xogta Coinmarketcap, iyadoo 24-saac uu gaaray $136.3 bilyan.

Ethereum, oo ah cryptocurrency-ga labaad ee ugu weyn, wuxuu 24-kii saac ee ugu dambeeyay u dhexeeyey qiimo ah $3,130 illaa $3,390.

 

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version