Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Brendan Rodgers oo ka soo muuqday liiska Man City

Brendan Rodgers oo ka soo muuqday liiska Man City

0

Himilo- Kooxda Man City ayaa sumadaysatay  macalinka Leicester City Brendan Rodgers in uu yahay ninka ku haboon ee ka badalaya Pep Guardiola garoonka Etihad Stadium.

 mustaqbalka  fog ee Guardiola ayaa sii kordhayay maalmihii la soo dhaafay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ninka reer Spain uu qandaraaskiisa haatan dhacayo, warar xan ah oo nafsadahaantiisa uu Guardiola si dhaqso ah u beeniyay.

Si kastaba, Daily Mail ayaa qortay in Man City ay sameyneyso qorsheyaal isdaba joog ah haddii ay dhacdo in Guardiola uu soo afjaro mustaqbalkiisa guulaha leh ee kooxda, iyadoo Rodgers uu ugu sareeyo liiskooda.

Ninka reer waqooyiga Irish, ayaa Leicester u horseeday inay kaalinta labaad ka gasho xilli ciyaareedkaan, oo ay ka sare martay kooxda heysata Guardiola ka dib 17 kulan oo ololahan dheeleen.

Maamulka Man City ayaa la dhacsan shaqada Rodgers waxayna u arkaan inuu yahay horjooge  bedeli kara Guardiola, kaasoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo 2021.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kaaliyaha Guardiola Mikel Arteta iyo tababarihii hore ee Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino ay sidoo kale ku jiraan liiska xulashooyinka  noqon karaan kuwa bedeli kara.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version