Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Magaalo dal-xiisayaasha lacag ku siineysa inay yimaadaan

Magaalo dal-xiisayaasha lacag ku siineysa inay yimaadaan

0
Santa Maria Valley

Himilo – Magaalo yar oo ku taalla California shirkadaheeda dalxiiska waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay Cudurka Karoona. Hadda waxaa socda qorshe dib loogu soo celinayo dalxiiska.

Barnaamijka booqo Santa Maria Valley waa barnaamijka salka u ah soo jiidashada qorsheysan ee dalxiisayaasha loogu gacan haatinayo wakhtiga dhaw.

Shirkadaha iyo maamulka magaalada ayaa sheegay in dadka yimaada la siin doono $100. Ujeedaha laga leeyahay waxay tahay in la helo dalxiisayaal badan.

Lacagta waxaa dheer adeegyo loo qaban doono dadka imaanaya Santa Maria Valley, ugu yaraan labo habeen ayay si lacag la’aan ah ku joogi karaan hoteelada.

“Waxaan haysanaa xeebo qurux badan, hoteelo, makhaayado, iyo goobo kale oo dalxiisa. Waxaan idinla socod siineynaa in dhammaan goobahan laga dhaqan gelinayo hab raacyada karoona.” Sidaa waxaa CNN u sheegay Jennifer Harrison oo Xafiiska Santa Maria Valley sharciga u qaabilsan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version