Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Campell oo ka hadlay mustaqbalka Ozil iyo Sanchez ee Arsenal

Campell oo ka hadlay mustaqbalka Ozil iyo Sanchez ee Arsenal

0

Muqdisho – Sol Campbell ayaa filaya in Mesut Ozil uu saxiixi doono heshiis cusub, hayeeshe ay muuqato suura-galnimo dhab ah oo ku aadan in Sanchez ka dhaqaaqi doono gegida Emirates ee Arsenal.

Labadan laacibka ayaa wali laga dhursugayaa inay heshiis cusub la galaan naadiga Arsenal kahor intaan la gaarin sanadka 2018-da.

Campell ayaana rumeysan in Arsenal ay adduun kasta ku heysan karto Mezut Ozil, balse wuxuu raja hoose ka muujiyay Sanchez oo ay u hanqal-taagayaan naadiyada Manchester City iyo Bayern Munich.

“Waxaan jeclaan lahaa labadooda inay joogaan gegida naadiga,” xiddigii hore ee Arsenal, Sol Campell ayaa u sheegay Betstars.

“Waa adduun ballaaran; waxayna qaadanaysaa waqti badan. Waxay ila tahay in Ozil ka dhabeyn karo saxiixa heshiis cusub.”

“Sanchez-na waxaa u muuqda adduun ballaaran oo lagu doonayo si uu kaga dhaqaaqo Arsenal. Malada muuqatana waa inuu tix-gelin karo damaca ay ka leeyihiin kooxaha ugu tunka weyn dhaqaale ahaan horyaallada Yurub.”

Sanchez ayaa shabaqa dhigay 24 gool dhamaan tartamadii uu dheelay naadiga. Halka Ozil-na uu 10 gool ku dhaliyay 32 kulan ciyaareed.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version