Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Carruur shan sano jir ah oo loo xiray laad ay ku dileen...

Carruur shan sano jir ah oo loo xiray laad ay ku dileen shinbir

0

Muqdisho – Dhowr carruur shan sano jir ah ayaa galay gacan-ku-heynta booliska kadib markii lagu eedeeyey sababsashada dilka Shinbir ku sugneyd xerada xanaanada noolaha, marka loo eego booliska dalka Czech Republic.

Vysocina police ayaa sheegay in goobjooge uu arkay wiilal shan sano jir ah oo haraanti ama laad ku dhifanaya laba shinbirood oo ku jira Jihlava Zoo.

Labada shimbirood waxaa ku dhacday laadadka ilmaha; waxayna sidoo kale wateen ulo ay ku garaacayeen. Waqtigii lagu helay carruurta iyaga oo ku jira falka, mid kamid ah shinbiraha ayaa naf baxday.

Shaqaalaha xerada ayaa rumeysan in shinbirta labaad ay u dhiman karto dhaawac soo gaaray. Weerarka carruurta waxaa duubtay kaamirada xerada.

Booliska ayaana helay muuqaallada waxayna xireen saddaxda wiil oo la arkayay iyaga oo laadaya shinbiraha. Inta lagu guda-jiray waraysiga, wiilashu way qirteen danbigooda hayeeshe ma bixin sababta ay u sameeyeen.

Wiilashu aad bay ugu yar yihiin inay wajahaan ciqaab, hayeeshe waxaa laga yaabaa in waalidkooda la amro inay bixiyaan qarashka kusoo baxa wax-yeellada ay ilmuhu gaarsiiyeen xerada.

Halkii shinbirba waxay ku kacaysaa lacag dhan 2000$.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version