Home Habka-Nolosha Cavani: “Sanchez iyo Aubameyang wan kusoo dhawaynayaa Paris.”

Cavani: “Sanchez iyo Aubameyang wan kusoo dhawaynayaa Paris.”

0

Muqdisho – Laacibka Paris Saint-Germain, Edinson Cavani ayaa sheegay inuu soo dhaweyn lahaa laacibiinta Alexis Sanchez iyo Pierre-Emerick Aubameyang kooxdiisa – haddii ay imaanayaan xagaaga soo socda.

Laacibiinta lala xiriirinayo kooxda Paris xagaaga soo aadan waxaa kamid ah xiddiga Arsenal, Sanchez iyo laacibka Borussia Dortmund, Aubameyang – Cavani kaas oo 49 gool xagaagan u dhaliyay kooxdiisana wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa imaanshahooda.

“Haddii ay la saxiixdaan, waa lasoo dhaweynaya,” ayuu u sheegay Canal +. “Waxaan halkan u joognaa kooxda. Laacibiinta fiicanna, waxay u joogaan kooxda.”

Hadana wali wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisu ay ka fiican tahay Monaco – u eegis la’aan xagaaga lagu jiro.

“Dhamaadka finaalihii  Coupe de la Ligue oo aan la kulannay Monaco wuxuu ahaa waqti fiican,” ayuu ka yiri kulankii 4-1 kusoo adkaadeen Lyon. “Maalintaas waxaan muujinnay inaan aad uga weynnahay iyaga.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version