Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Cayaaraha gobollada dalka oo furmay, xulka gobolka Banaadir ayaana guushii u horeysay...

Cayaaraha gobollada dalka oo furmay, xulka gobolka Banaadir ayaana guushii u horeysay gaaray + Sawirro

2

Gegada Banaadir ee degmada Cabdi Casiis ayaa maanta si toos ah looga furay cayaaraha gobollada dalka Soomaaliya oo caasimadda lagu qabanayo kaddib 25 sano.

Madaxweynaha dowladda federaalka Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa cayaaraha daah rogay oo baasay, xilli garoonka ay boqolaal taageerayaal ah ku sugnaayeen.

Masuuliyiin badan ayaa ku sugnaa cayaartii furitaanka oo uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan, waxaana kamid ahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiska, Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Taliyaasha ciidamada booliska iyo nabad sugidda, Guddoomiyaha cayaaraha gobolka iyo masuuliyiin kale.

Kulanka koowaad ee galabta dhacay ayaa dhexmaray xulalka gobolka Banaadir iyo gobolka Koonfur Galbeed.

Wiilashii ku cayaarayay magaca gobolka Banaadir ayaana kala dhantaalay kuwa maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Xasan Cabdulaahi Sheikh oo lanbarka 10aad xirta ayaa hogaanka u dhiibay gobolka Banaadir kaddib kubad rogaal celis aheyd.

Inyar kaddib wiilka lanbarka 7aad Liibaan Xasan Cusmaan ayaa kubbad qurux badneyd hogaanka ugu dheereeyay gobolka Banaadir inta aanu goolka saddexaad dhallin Axmed Cabduqaadir.

Qeybtii hore ayaana lagu kala maray 3-0 oo hogaanka looga hayay Koonfur Galbeed, hayeeshee qeybtii labaadne waxba isma bedelin oo cayaarta ayaa sii ahaatay mid hal dhinac ah.

Axmed Cabduqaadir iyo Maxamed Cumar Abuukar ayaana labo gool oo dheeri ah u sii dhaliyay gobolka Banaadir si cayaartu ay ugu dhamaato 5-0.

DSC09337

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version