Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Celtic oo u sheegtay Arsenal qiimaha lagu heli karo Kieran Tierney

Celtic oo u sheegtay Arsenal qiimaha lagu heli karo Kieran Tierney

0

Himilo -Arsenal ayaa la soo warinayaa in loo sheegay inaysan awoodin inay kula soo wareegaan daafaca Celtic Kieran Tierney wax ka yar 25 milyan oo ginni.

Daafaca buuxa, oo ka yimid  akadeemiga kooxda ayaa u saftay 170 kulan, waxaana si joogta ah loola xiriirinayay Premier League.

Manchester United ayaa la sheegay  inay tahay naadigii ugu danbeysay  ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay lagu xanto, inkastoo haatan ay u muuqato inay Arsenal xiiseyneyso inay 22 sanno jirkan ku darsato kooxdeeda koowaad xagaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Mirror, Celtic ayaan diyaar u aheyn inay aqbalaan wax ka yar £ 25milyan, taasoo ah lacagta laga yaabo inay ka hor istaagto heshiiska dhameystirkiisa.

Arsenal ayaa la sheegay inay leedahay miisaaniyad xaddidan, iyadoo  lacagta Tierney ay qaadan doonto inta badan kharashka Unai Emery loo siiyay suuqa.

Gunners ayaa isku dayeysa  inay u adeegsato  Carl Jenkinson heshiis kasta oo Tierney ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version