Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Chelsea oo £85m ku dooneysa weeraryahan katirsan Bayer Leverkusen

Chelsea oo £85m ku dooneysa weeraryahan katirsan Bayer Leverkusen

0

Himilo – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso £85 Milyan oo ay ku dooneyso weeraryahanka kooxda Bayer Leverkusen ee Leon Bailey.

Cayaaryahanka reer Jamaica ayaa la tilmaamay in uu ka tagi karo kooxda Jarmalka isaga oo la rumeysan yahay in uu bartilmaameed u noqon karo kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Arsenal.

Si kasta, marka la fiiriyo The Express, Chelsea ayaa hadda ku soo biirtay tartanka loogu jiro weeraryahanka iyada oo diyaarineysa adduun dhan £85 Milyan.

Laacibka 22 jirka ah oo heysta qandaraas seddex sanno kale oo uu ku sii joogi karo Leverkusen ayaa dhaliyay toddobo gool 22 kulan oo uu kooxdiisa u saftay xilli cayaareedka 2019-2020.

Bayern Munich ayaa la soo warinayaa inay xiiseynayso Bailey laakiin Leverkusen ayaa ka iibin doonta cayaaryahanka koox ka cayaarta horyaalka Ingiriiska halkii ay ka siin laheyd koox kula tartameysa Bundesliga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version