Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Chelsea oo daafaca Ramos ka dooneysa Real Madrid

Chelsea oo daafaca Ramos ka dooneysa Real Madrid

0

Antonio Conte ayaa doonaya inuu Stamford Bridge keeno xagaaga soo aadan hogaamiyaha Real Madrid Sergio Ramos.

Macallin Conte ayaana u ogolaan doona mid kamid ah cayaartoyda qibradda fog u leh kooxda inuu ku biro naadiga Roma.

Chelsea ayaa qorsheyneysa inay iska fasaxdo Branislav Ivanovic dhammaadka xagaaga, waa haddii ay hesho kabtan Ramos, sida ay ku warameyso Corriere dello Sport.

Blues ayaa toddobaadkii tegay kala hadashay Roma warar badan oo la xiriira suuqa kala iibsiga oo ay ugu muhiimsan tahay sidii kooxda reer Talyaani ay ku heli laheyd daafaca Chelsea Ivanovic.

Conte ayaa soo dhaweyn doona inuu arko wiilka qaranka Serbia oo u dhaqaaqaya Roma haddii uu kooxdiisa ku soo biiriyo Sergio Ramos.

Macallinka cusub Antonie Conte ayaana u arka Ramos mid haldoor u noqon doonaa kooxdiisa haddii xiddigu uu yimaad kooxda Chelsea.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version