Home Cayaaro Chelsea oo dooneysa saxiixa Ben Chilwell

Chelsea oo dooneysa saxiixa Ben Chilwell

0

Himilo – Cayaaryahanka Ben Chilwell ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay kooxda Chelsea oo dooneysa inay la wareegto xagaaga.

Chelsea ayaa ku jirta suuqa iyada oo dooneysa in weeraryahanka RB Leipzig  Timo Werner ay ka saxiixdo heshiis 5 sanno ah oo uu ku joogayo garoonka Stamford Bridge.

Tababaraha kooxda Frank Lampard ayaa la soo warinayaa in uu xiiseynayo Chilwell. Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Blues ayaa dooneysa inay xaqiijiso saxiixa 23 jirka.

Si kasta, iyada oo qandaraaska Chilwell uu dhacayo 2024-ka haddana kooxda Leicester ayaa loo badinayaa inay dalban doonto lacag badan.

Chilwell  ayaa dhaliyay labo gool isaga oo caawiyay seddex kale 23 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version