Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Chelsea oo guul ka gaartay kooxda horyaalka ugu hooseysa

Chelsea oo guul ka gaartay kooxda horyaalka ugu hooseysa

0

Aston Villa ayaa jab kale iyo guuldarro xanuun badan kala kulantay Chelsea oo u soo martisay kulan Villa Park ka dhacay.

Ruben Loftus-Cheek ayaa daqiiqaddii 26aad hogaanka u dhiibay Blues, waxaana gool ku laad gool u rogay oo goolka labaad raacsaday daqiiqaddii 45aad Alexandre Pato.

Pato ayaa kulankiisii koowaad dhaliyay goolkiisii u horeeyay ee Blues, isagoo kooxdan ka tirsan 64 maalmood, waana laacibkii lixaad oo Brazil u dhashay oo kulankiisii koowaad ee Epl gool dhaliya, waxa safka kaga horeeya Geovanni, Robinho, Gilberto, Ilan iyo Willian.

Pedro ayaa qeybtii labaad labo gool israacsaday si cayaarta Chelsea ay ugu badiso 4-0, isna uu u noqdo xiddiga garoonka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version