Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Chelsea oo qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo Graham Potter ka dib ceyrintii Thomas...

Chelsea oo qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo Graham Potter ka dib ceyrintii Thomas Tuchel

0

Himilo – Tababaraha kooxda Brighton Graham Potter ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay shaqsiga ugu cadcad ee bedelaya Thomas Tuchel tababarihii Chelsea ee shaqada laga eryay.

Kooxda ka dhisan galbeedlka London ayaa ku dhawaaqay inay go’aansatay inuu naadiga ka tago  49 jirka reer Jarmal saacado uun ka dib markii isaga iyo kooxdiisu ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Dinamo Zagreb kulankoodii furitaanka Champions League.

Maamulka kooxda ayaa la sheegay inay tahay wakhtigii ugu fiicnaa ee la samayn kadib markii milkilihii Chelsea ee Roman Abramovich lagala wareegay kooxda.

Tuchel ayaa ka tagay Stamford Bridge ka dib 100 kulan oo uu hogaaminayay,waxa uu badiyay 62 kulan, Barbaro 19 ah iyo 20 guuldaro, waxaana uu la qaaday Champions League, Uefa Super Cup iyo Club World Cup intii uu xilka hayay.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version