Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Chelsea oo suuqa ku kharash gareynaysa £200m

Chelsea oo suuqa ku kharash gareynaysa £200m

0

Himilo – Chelsea ayaa la soo warinayaa in ay suuqa ku kharash gareynayso adduun dhan £200m suuq furanka xagaagan iyada oo goor sii horreysay la wareegtay cayaaryahannada Hakim Ziyech iyo Timo Werner.

Kooxda ka dhisan magaalada London ayaa xoojineysa weerarkeeda iyada oo sidoo kale dooneysa cayaaryahanka Bayer Leverkusen ee Kai Havertz.

Lixidii billood ee ugu danbeysay, Chelsea ayaa si weyn loola xiriiriyay laacibka reer Jarmal kaasi oo la tilmaamay in uu ka tagayo Leverkusen inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Si kasta, kooxda Bundesliga ayaa la rumeysan yahay inay iibineyso xiddigeeda, taasina waxay ku xeran tahay nuuca dalabaadka loo soo gudbiyo.

Sida laga soo xigtay Sports Lens, Chelsea ayaa ku tijaabineysa cayaaryahanka dalab ku kacaya £62m.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version