Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Chelsea oo u dhaqaaqeysa daafac ka tirsan Ajax

Chelsea oo u dhaqaaqeysa daafac ka tirsan Ajax

0

Himilo – Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ajax ee Edson Alvarez.

24-sano jirkaan heerka caalami ee reer Mexico, kaasoo sidoo kale ka ciyaari kara daafaca dhexe, ayaa ku sugnaa Amsterdam tan iyo xagaagii 2019, markaasoo uu kaga yimid Club America adduun dhan £13.5m.

Thomas Tuchel ayaa dagaal ku wajihi doona saxiixiisa, iyadoo warbixinta lagu sheegay sida Leicester City iyo Crystal Palace ay sidoo kale daawanayay ninka Ajax intii lagu jiray ololahan.

Alvarez ayaa ilaa haatan saftay 17 kulan oo Eredivisie ah xilli ciyaareedkan isaga oo ka qayb qaatay 2 gool iyo hal caawin xilli Ajax ay doonayso in ay sii xajisato horyaalka Holland.

Andreas Christensen, Cesar Azpilicueta iyo Antonio Rudiger ayaa dhamaantood laga yaabaa inay kooxda ka tagaan bisha June sida ay wax u socdaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version