Home Cayaaro Chelsea oo uu ka dhaawacmay khad dhexe muhiim ah

Chelsea oo uu ka dhaawacmay khad dhexe muhiim ah

0

Himilo- Khadka dhexe ee kooxda Chelsea N’Golo Kante ayaa seegay ciyaar qarankiisa Faransiiska uu la ciyaaray Iceland balse tababarihiisa qaranka ayaa sheegay in maqnaanshiyaha ciyaaryahanka la xiriirto tallaabo kahortag ah.

Kante ayaa looga saaray safka qarankiisa sabab ku saabsan dhaawac dhinaca murqaha ah hase ahaatee tababarihiisa Didier Deschamps ayaa xusay in dhaawaca uusan aheyn khatar.

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ayaa lagu soo daray shaxda qaranka Faransiiska ee ka qeyb galaysa cayaaraha isreeb-reebka koobka Euro 2020 kahor inta uusan dareemin xannuun dhanka muruqa ah.

Tani waxay ka dhigan tahay in ciyaaryahanka Tottenham ee Moussa Sissoko in looga baahday ciyaarta ay Faransiiska ku adkaadeen 1-0.

‘ Waxa uu dareemay xannuun muruqa ah, ” ayuu yiri Deschamps.

Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa rajeynaya in ciyaaryahankii hore ee kooxda Leicester in uu diyaar u noqon doono ciyaarta u dhaxaysa Chelsea iyo Newcastle 19-ka bishan October.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version