Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Chelsea oo wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay Mason Mount

Chelsea oo wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay Mason Mount

0

Himilo – Chelsea ayaa wadahadalo rasmi ah la bilowday kubadsameeyaha Mason Mount si ay heshiis cusub uga saxiixdo, sida lagu sheegay warbixin.

23-sano jirkaan ayaa sare u qaaday sumcadiisa isagoo ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Blues isagoo seddex caawin ka sameeyay 11 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Mount ayaa kooxdiisa u dhaliyay 30 gool iyo 34 caawin si uu ugu faano 171 kulan oo waaweyn oo uu u saftay Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka England qandaraaskiisa haatan ee Stamford Bridge wuxuu dhacayaa xagaaga 2024.

Chelsea iyo Mount ayaa la filayaa inay galaan wada xaajoodyo ku saabsan heshiis cusub xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay Evening Standard.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version