Home Habka-Nolosha Cilmi baaris: Cabidda biyaha oo ka hor tagi karta wadno istaagga

Cilmi baaris: Cabidda biyaha oo ka hor tagi karta wadno istaagga

0

Himilo – Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa dadka ku boorisay inay dareen fog u yeeshaan qaadashada biyo badan maalin kasta

Si gaar ah cilmi baarista waxay la hadlaysaa dadka uu yar yahay biyo cabkooda waxayna ku dhiiri gelineysaa inay biyo ku filan cabbaan.

Waxaa daraasadda lagu wareystay 15,792 qof oo da’doodu dhexaad tahay. Waxaa la isbarbar dhigay xannuunadooda wadnaha. Waxayna halista wadno istaagga ku yaraatay kuwa la xaqiijiyay inay biyo badan cabbi jireen.

Dr. Natalia Dmitrieva oo ka tirsan machadka caafimaadka dalka Mareykanka ayaa sheegtay in cabbida biyaha ay hoos u dhigeyso khatarta wadno istaagga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version