Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home COVID 19 Cilmibaaris: Mid ka mida 5-tii qof ee ka bogsada Covid-19 waxaa lagu...

Cilmibaaris: Mid ka mida 5-tii qof ee ka bogsada Covid-19 waxaa lagu arkaa xanuunada maskaxda

0

Himilo – In badan oo ka mid ah bukaanada ka bogsada xanuunka Covid-19 waxey khatar ugu jiraan cudurada ku dhaca maskaxda aadanaha, cilmibaaris ayaa sidaasi lagu ogaaday.

Daraasaddan oo ay sameeyeen koox ku takhasustay cudurada ku dhaca Maskaxda, ayaa lagu sheegay in 20% dadka qaaday coronavirus lagu arko xaalado maskaxeed 90-ka cisho ee ka danbeeya ka bogsashooda xanuunka.

Xaaladaha ugu badan ee lagu arko waxaa ka mid ah Welwelka, Niyad jabka iyo Hurdo la’aan, waxaa sidoo kale baarayaashu sheegeen in dadkaasi khatar ugu jiraan xunuunka waalida.

“Dadku waxey ka walaacayeen in kuwa ka bogsado Covid-19 ay khatar muuqata ugu jiraan dhibaatooyin maskaxeed, natiijadeenana taas ayey iftiimineysaa” waxaa sidaasi u sheegay Al Jazeera Paul Harrison, oo ah qoraha cilmibaarista ahna khabiir psychiatry oo ka tirsan jaamacadda Oxford.

Baarayaasha ayaa si ay u heleen natiijada waxey rogrogeen xogta caafimaad ee 69-milyan oo ruux oo ku nool Mareykanka, kuwaas oo 62-kun ka mida ay qaadeen feyruska Corona.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version