Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Coutinho oo aan ku jirin safka kahor-tagi doona kooxda Hoffenheim

Coutinho oo aan ku jirin safka kahor-tagi doona kooxda Hoffenheim

0

Muqdisho – Philippe Coutinho ayaa ka maqan safka Liverpool ee Jarmalka ugu duulay is reebreebka Champions League kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Hoffenheim.

25 jirkan ayaa  lala xariirinayaa in uu uu u dhaqaaqi doono kooxda Barcelona, iyaga oo doonaya in ay badal kaga dhigaan xiddigii ka falaagoobay ee Neymar.

Macalinka kooxda Reds, Jurgen Klopp ayaa magacaabay 22-kiisa ciyaaryahan ee uu ula safray Jarmalka kuwaas oo ka qeyb noqon doona lugta hore ee is reebreebka.

Liverpool ayaa ku ciyaari doonta Rhein-Neckar-Arena habeennimada Talaadada, Coutinho ayaana kamid aheyn ciyaartoyda nasiibka u yeelatay kulankan.

Brazilian-kan ayaa ka yimid kooxda Inter Milan sanadkii 2013, wuxuuna seegay kulankii Premier League ee barbaraha Liverpool ay la gashay naadiga  Watford Sabtidii.

Magacyada ciyaartooyda Liverpool ee lamagacaabay halkaan ka aqriso:

Alexander-Arnold, Moreno, Lovren, Milner, Wijnaldum, Henderson, Can, Mane, Salah, Firmino, Kent, Solanke, Origi, Gomez, Klavan, Flanagan, Robertson, Matip, Grujic, Mignolet, Karius, Ward.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version