Home Cayaaro Cristiano Ronaldo miyuu seegi doonaa kulanka Manchester derby?

Cristiano Ronaldo miyuu seegi doonaa kulanka Manchester derby?

0

Himilo – Laacibka kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa u muuqda mid halis ugu jira inuu seego kulanka Manchester derby ee Manchester City.

37-sano jirkaan ayaa sii wada inuu qeyb muhiim ah ka noqdo kooxda Red Devils inkastoo uu da’diisa yahay, laakiin hal gool ayuu dhaliyay 8-dii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.

Ralf Rangnick ayaan wax dhaawac ah ku soo hadal qaadin Ronaldo shirkiisa jaraa’id ee dhacay kulanka ka hor, iyadoo Portuguese-ka la filayo inuu hoggaamiyo weerarka Etihad.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester Evening News ayaa ku warameysa in Ronaldo uusan la imaan kooxdii ku sugneed hotelka kooxdu fiidnimadii sabtida, taasoo keentay shaki ku aadan inuu safan karo kulanka derby iyo in kale.

Ronaldo ayaa dhaliyay 15 gool 30 kulan oo uu u saftay Man United tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan laakiin waxa lala xiriirinayaa in uu xilli hore ka tagi doono Old Trafford ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version