Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Cristiano Ronaldo oo doonaya wada-hadal uu la furo PSG.

Cristiano Ronaldo oo doonaya wada-hadal uu la furo PSG.

0

Muqdisho – Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes inuu wadahadal la furo Paris Saint-Germain, sida laga soo xigtay diarioGol.

Xiddiga reer Portugal ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu mushaar kordhin ku helo Real Madrid,  haddii uu waayana waxa uu doonayaa in uu raadiyo fursad uu uga tagi karo dhamaadka xilli ciyaareedkan, wuxuuna ka codsaday madaxweynaha Florentino Perez inuu dhimo lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Sidaasi darteed, Ronaldo ayaa doonaya inuu ka faa’iideysto fursadaha u furan, PSG ayaana la rumeysan yahay inay tahay kooxda kaliya oo awood u leh inay lacag u galiso 32 jirkan.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version