Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Croatia: Ciyaaryahan loo maxkamadeynayo sabab la xiriirta digaag

Croatia: Ciyaaryahan loo maxkamadeynayo sabab la xiriirta digaag

0

Himilo- Mid kamid ah ururada difaaca xuquuqda xayawaanada dalka Croatia ayaa go’aansaday in u dacwad ka gudbiyo ciyaaryahan kubadda cagta ah oo lagu eedeeyay in uu dilay digaag intii ay socotay ciyaar aan rasmi aheyn.

Ivan Gazdek oo katirsan kooxda NK Jelengrad team ayaa laaday mid kamid ah tobbanaan digaag ah oo soo galay garoonka xilli ay socotay ciyaar.

Tani waxay keentay in dhexdhexaadiyaha ciyaarta uu kaarka roosaha siiyo ciyaaryahanka 23 jirka oo laga saaray ciyaarta sabab la xiriirta hab-dhaqankiisa aan waafaqsaneyn cayaaraha.

Ururada u dooda xuquuqda xawayaanada ayaa ku tilmaamay ficilka ciyaaryahanka mid ku saleysan waxshinimo iyo fuleynimo islamarkaana lagu dhibaateeyay noole aan waxba galabsan.

Waxay inta raaciyeen inay dacwad ka gudbinayaan danbiga ciyaaryahanka oo haddii lagu helo ka dhigan in lagu xukumayo muddo sannad xabsi ah.

Mr Ivan ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi in uusan wax danbi laheyn oo uu jecelyahay xawayaanada.

“ keliya waxaan doonayay in aan ka saaro garoonka,” ayuu yiri Mr Ivan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version