Home Cayaaro Daafaca buuxa ee Barcelona Junior Firpo oo ku biiray koox reer England...

Daafaca buuxa ee Barcelona Junior Firpo oo ku biiray koox reer England ah

0

Himilo – Leeds United ayaa kala soo saxiixatay daafaca midig ee Junior Firpo kooxda Barcelona qarash  ku kacaya 13m kaas oo saxiixay heshiis afar sano ah.

24 jirkaan ayaa u dhaqaaqay Nou Camp isagoo ka soo dhaqaaqay Real Betis xagaagii 2019, waxaana uu u saftay 41 kulan Barca, kuwaasoo ay ku jiraan 20% iibka qandaraaska Leeds.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Spain U21-ka ayaa ka caawiyay Barcelona hanashada Copa del Rey xilli ciyaareedkii hore.

“Waxaan u maleynayaa kooxdan inaan tusi karo ciyaaryahanka aan ahay,” ayuu yiri.

Firpo, wuxuu ku dhashay Dominican Republic wuxuuna u dhaqaaqay Spain isagoo jira lix sano, wuxuu aad ula dhacsan yahay tababaraha Leeds Marcelo Bielsa, kaasoo laba jeer  La Liga  ka soo shaqeeyay Espanyol iyo Athletic Bilbao.

Firpo ayaa noqday saxiixii seddexaad ee Leeds ee suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana uu xiran doonaa lambarka 3aad inta uu ku sugan yahay Elland Road.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version