Himilo – Buuq ayaa ka dhacay xafiiska shirkadda Meta ee magaalada Bangkok, Thailand, kadib markii dabagaale ka soo baxay xirmo la geenay xarunta oo uu ku dhex orday dhismaha.
Sida lagu sheegay qoraal gudaha ah oo ay heshay majaladda Wired, dabagaalaha ayaa ku jiray baakad loo geeyay xafiiska shirkadda iska leh Facebook, waxaana uu muddo ku dhex wareegayay xarunta ka hor inta aan la qaban.
Dabagaalaha ayaa dhaawac xoqmo ah gaarsiiyay shaqaale nadaafadeed, taas oo keentay isku dhexyaac dadkii goobta joogay, balse ugu dambeyn waa la xakameeyay.
Warbixintu waxay sheegtay in shaqaalaha Meta ay dhacdada si kaftan ah uga falceliyeen, iyadoo mid ka mid ah shaqaalaha uu sameeyay muuqaal AI ah oo saabsan sida loola tacaalo dabagaalaha.
Lama oga sababta dabagaalaha loogu soo diray xafiiska Meta, halka shirkaddu aysan weli wax faahfaahin ah ka bixin dhacdada.
