Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dibadda Dagaalka Qasa oo galay maalintii 100-aad xilli dhimashadu ay kor u dhaaftay...

Dagaalka Qasa oo galay maalintii 100-aad xilli dhimashadu ay kor u dhaaftay 23 Kun

0

Himilo-Dad aad u farabadan ayaa bannaanbaxyo lagu dalbanayo xabad-joojin laga sameynayo Qasa ka dhigay dalal badan oo dunida ah, iyaga oo taageero u muujinaya qadiyadda shacabka ku dhaqan Falastiin.

Kaqeybgalayaasha dibadbaxyadaasi ayaa ku baaqay in la sameeyo xabad-joojin lagu badbaadinaayo dadka rayidka ah ee u baahan gargaarka biniaadanimo sida cunto, dawo, iyo shiidaal .

Dibadbaxyadan ayaa ku soo aadaya maalintii100-aad ay Israa’iil ku waddo marinka Qasa iyo shacabka ku nool duulaan qaawan oo ay cambaareeyeen inta badan ee wadamada caalamka.

Ugu yaraan 23,843 qof ayaa la dilay,in ka badan 60,317 waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Qasa tan iyo 7-dii Oktoobar.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version