Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Daladda ugu ballaaran adduunka oo laga sameeyey Magaalada Makka.

Daladda ugu ballaaran adduunka oo laga sameeyey Magaalada Makka.

0

Makkah – Daladda ugu ballaaran adduunka oo dhismaheedu dhawaanahanba uu socday ayaa sanadkan lagu wadaa inay hoos iyo har qabow u noqoto Muslimiinta ka qeyb-galaya Xajka sanadkan: si looga yareeyo hurka iyo kuleylka cadceedda ee magaalada Barakaysan ee Makka, sida laga soo xigtay saraakiisha qaabilsan howlaha Xajka.

Hoosiiskan ‘Daladda – Umbrella’, waxay dabooli doontaan fogaan isku wareeg ah oo dhan 53×53 meters balac ah, sida ay tiri Arab News.

Maj. Gen. Mohammed Al-Ahmadi, oo ah u qaabilsanaha amniga iyo socdaalka Xujeyda ee magaalada Makka ayaa sheegay in daladdani ay Muslimiinta ka saacidi doonto inay helaan qabow ku filan iyo barabax ay ku nastaan maadaama qaboojisada ku jirta gudaha Masjidka aysan aalaaba noqon karin mid wada kaafisa dhammaan Muslimiinta ku ictikaafsan Xaramka iyo kuwa gudanaya tiir kamid ah tiirarka Islaamka ee shanta ah.

Daladahani waxay ka dheer yihiin 45 meters oogada dusheeda.

Tiro lagu qiyaasay laba ilaa saddex milyan oo Muslimiin ah ayaa lagu wadaa inay sanadkan gutaan acmaasha Xajka.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version