Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Dalalka deriska la ah Giriigga oo u diray Diyaarado dab damis ah

Dalalka deriska la ah Giriigga oo u diray Diyaarado dab damis ah

0

Waddamada deriska la ah, ayaa diyaarad dab-damis ah u diray jaziiradda Rhodes, si ay u taageeraan adeegyada degdegga ah ee Giriigga ee wax ka qabashada dabka weyn, sida uu sheegay afhayeen u hadlay waaxda dabdemiska.

Diyaaradahan, ayaa ka kala yimid dalalka Turkiga, Masar iyo Croatia.

Afhayeenka koox dam damiska ah oo katirsan ciidamada dalka Giriiga, Vasilis Varthakogiannis, ayaa sheegay in sideed diyaaradood oo labo ka mid ah laga soo diray Turkiga, iyo mid laga keenay Croatia ay la tacaalayaan dabka ka kacay agagaarka tuulada Asklipeio.

Toban kale oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ah oo ay ku jiraan saddex ka yimid dalka Masar ayaa sidoo kale taageeraya dadaallada lagu xakameynayo dabka weyn ee ka kacay jaziiradda Rhodes, ee qeybta ka ah dalka Giriiga.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version