Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Dani Ceballos oo sannadkan dhammeysanaya joogintaankiisa ammaahda Arsenal

Dani Ceballos oo sannadkan dhammeysanaya joogintaankiisa ammaahda Arsenal

0

Himilo – Dani Ceballos ayaa baaqi kusii ahaan doona Arsenal ilaa iyo dhammaadka xilli ciyaareedkaan kaddib amrkii Real Madrid ay aqbashay in laacibka ammaah ugu sii ciyaaro kooxda ku ciyaarta Emirates, sida ay ku waramayaan warbaahintu. Laakiin 23-jirkaan ayaa fursad u heysta go’aan uu ku gaari karo in uu dib ugu laabto Spain.

Ceballos ayaa doonaya in uu si joogta ah ugu ciyaaro kooxda isla markaanna uu saameyn ku yeesho naadiga ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid.

Real Madrid ayaa qiimeysa xaaladda laacibkaan, kaasi oo lala xiriirinayo in uu si joogta ah ugu dhaqaaqo Premier League.

Ceballos ayaa laba xilli ciyaareed ku qaatay Real Madrid isaga oo ka hoos shaqeynayay Zidane wuxuuna kooxda u saftay 56 kulan oo uu ku dhaliyay shan gool iyo laba caawin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version