Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Daraasad Daraasad: Dadka cuna khudaarta waxey u nugul yihiin lafa jajab

Daraasad: Dadka cuna khudaarta waxey u nugul yihiin lafa jajab

0

Himilo – Dadka inta badan cuna khudaarta ay ku yar tahay maadada kaalshiyaamta waxey 43% khatar ugu jiraan lafa jajab ku yimaada marka loo barbardhigo kuwa kale ee qabatimay cunista hilibka, cilmibaaris ayaa sidaasi lagu ogaaday.

“Dadka da’da ah ayaa ku badan lafa jajabka, balse markaan waxaa halista ugu badan wajahaya dadka cuna khudaarta ee da’doodu ka wayn tahay tobanka sanno” ayuu yiri qoraaga daraasad Tammy Tong oo ka tirsan jaamacadda Oxford.

Daraasadan cusub ee lagu daabacay warsidaha BMC Medicine, ayaa sidoo kale lagu sheegay in khatar taasi la mida ay wajahayaan dadka cuna kalluunka mar loo eego kuwa isticmaala hilibka guduudan.

Si natiijadan loo helo, Kontan kun oo ruux oo badankood aanan cunin hilibka ayaa tijaabo la mariyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version