Home Macluumaad Daraasad: Dhallinyarada “Gen Z” waxay AI ula dhaqmaan sida saaxiib

Daraasad: Dhallinyarada “Gen Z” waxay AI ula dhaqmaan sida saaxiib

0

Himilo – Cilmi baaris ay samaysay shirkadda Kaspersky, oo ay ka qayb galeen 7,200 qof, ayaa muujisay in in ka badan rubuc ka mid ah jiilka Gen Z ay sirdoonka macmalka ah (AI) ula macaamilaan sida saaxiib, iyagoo u adeegsada taageero shucuureed iyo arrimo gaar ah.

Qiyaastii 27% ka mid ah Gen Z waxay sheegeen inay AI ula hadlaan sida saaxiib, halka 28% ay kala tashadaan arrimo shakhsi ah oo ay ka xishoodaan inay dadka kale la wadaagaan. 47% ayaa sheegay inay AI isticmaalaan maalin kasta ama si joogto ah.

Daraasaddu waxay sidoo kale sheegtay in 56% ay AI u adeegsadaan raadinta xogta, 49% waxay u kaashadaan waxbarashada, 47% waxa u sahashaa helidda fikrado cusub, halka 39% ay shaqada u fududayso.

Si kastaba, khubaradu waxay ka digeen khataraha la xiriira isticmaalka AI. Kaliya 42% Gen Z ayaa si joogto ah u qaata tallaabooyin amni sida hubinta xogta iyo ilaalinta macluumaadka gaarka ah; 52% waxay taxaddaraan mararka qaarkood, halka 6% aysan qaadin wax tallaabo amni ah.

Kaspersky waxay ku boorrisay dadka isticmaala AI in aysan xogta ay ka helaan  aysan ku kalsoonaan 100%, maaddaama AI ay bixin karto xog khaldan ama ay khatar gelin karto macluumaadka xasaasiga ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version