Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Caruurta Daraasad: Seddex meelood meel carruurta Ingiriiska ayaa aaminsan in lo’da dhasho ukumo

Daraasad: Seddex meelood meel carruurta Ingiriiska ayaa aaminsan in lo’da dhasho ukumo

0

Himilo – Carruurta dugsiyada dalka Ingiriiska ayaa ka cabanaya garasho la’aan badan oo la xiriirta illaha cuntada iyada oo cunuggii kamid ah 3-dii cunug uu rumeysan yahay in lo’da dhasho ukun.

Sida laga soo xigtay baaritaan ay sameysay hay’ad samafal, carruurta dugsiyada waxbarashada Ingiriiska ma heystaan faham yar oo ku saabsan illaha laga helo cuntada.

Baaritaanka waxaa ka qeyb galay 1000 carruur ah oo da’dooda u dhaxayso 6 illaa 11 jir. 30% ma ogga in Tuna yahay nuuc kamid ah kalluunka.

Khubarada ayaa ka walaac badan ka muujiyay natiijadda daraasadda. Waxay tani caddeyn u tahay baaritaanno hore oo ay sameysay hay’adda cuntada Ingiriiska islamarkaana muujiyay in carruurta dalka aaminsan yihiin in Farmaajada laga sameeyo dhirta, yaanyadana ay ka baxdo dhulka hoostiisa.

Chris George oo ahaa kormeeraha baaritaanka ayaa carrabka ku adkeeyay inay sugeyso howl culus si loo xaqiijiyo aqoonta carruurta Ingiriiska ee ku qotonta cuntada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version