Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro De Bruyne oo diyaar u ah ololaha cusub ee Man City

De Bruyne oo diyaar u ah ololaha cusub ee Man City

0

Himilo – Kevin De Bruyne wuxuu dareemayaa inuu diyaar u yahay ololaha cusub kaddib markii uu si buuxda uga ciyaaray safarka Man City  ay ku tagayeen Asia.

Laacibka khadka dhexe ee reer Belguim, oo ah xiddig fure u ahaa guushii City ee sannadka 2018 ayaa qeyb yar ka ciyaaray guushii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay sababo la xiriira dhaawac jilibka iyo muruqa ah.

Laakiin 28 sanno jirka ayaa haatan rajeynaya in arrimahaas gadaashiisa ay mareen kaddib markii uu caddeeyay inuu ka mid yahay ciyaartoydii  afartii kulan ee ay City ka ciyaartay bariga Fog.

De Bruyne, oo dhaliyay gool islamarkaana sameeyay gool kale caawintiisa kulankii sabtida ee ay 3-1 kaga badiyeen kooxda ay bah wadaagga yihiin ee Yokohama F Marinos ee Japan ayaa yiri “Waan fiicanahay, wixii dhacay sannadkii hore waxay ku dhacaan qof walba, waxaan xirfadle ahaa 11 sanno hadda waxaa qaatay hal xilli oo dhaawacyo qaar.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version