Home Habka-Nolosha Degdeg: Waqtigii la cayaari lahaa Finalka cayaaraha gobollada dalka oo dib loo...

Degdeg: Waqtigii la cayaari lahaa Finalka cayaaraha gobollada dalka oo dib loo dhigay

0

Maallinta Isniinta ah oo berito ah taariikhduna ku beegan tahay 25.July.2016, ayaa lagu balansanaa in bugcadda Banaadir lagu cayaaro kulanka kama danbeysta cayaaraha gobollada dalka oo dhexmari doona xulalka Jubaland iyo Puntland.

Jubaland ayaa gool ku laadyo afar dhammaadkii kusoo dhaaftay gobolka Banaadir, halka Puntland ay hal iyo eber ku aamusisay Hiiraan/Sh.dhexe.

War qoraal kasoo baxay xafiiska warbaahinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaana lagu baahiyay in dib u dhac uu ku yimid kulankan waqtigii lagu balansanaa in madasha la soo galo oo kubadda baaskeeda koowaad la laado.

Nuqul kamid ah war qoraaleedka oo nasoo gaaray ayaa u qornaa “Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed waxay dib u dhigeen waqtigii la qaban lahaa kulanka kama danbeysta cayaaraha gobollada dalka.”

Maallinta Talaadada ayaa laga dhigay cayaarta, waxaanay soo geli doontaa 03.30 galabnimo xilliga geeska Afrika, taariikhduna tahay 26.07.2016.

Wax warar ah kama soo bixin maamullada kooxaha labada ah ee cayaarta kama danbeysta soo gaaray.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version