Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Derby Manchester oo suuqa xiisa u yeelay

Derby Manchester oo suuqa xiisa u yeelay

0


Himilo FM – Kooxaha ka dhisan magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa 50 Milyan oo Euro ku boodi goobaya xiddiga daafaca u ciyaara kooxda Fiorentina Nikola Milenkovic,

Sida laga soo xigtay wargeyska Corriere dello Sport, labada kooxood ee Premier League ayaa indhaha ku haya xiddiga reer Serbia.

Waxaa la aamisan yahay in ay dalab u soo bandhigeen Milenkovic kooxaha Manchester United iyo Manchester City, kaasi oo lagu qiimeeyay 50 Milyan Euro.

21 jirkan daafaca dambeedka middig ayaa horay loola xiriirinayay in 40 milyan oo ginni ugu dhaqaaqi karo Atletico Madrid xagaagan.

Xiddigan ayaa dhaliyay labo gool 18 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan, laacibkaan ayaa Fiorentina ugu soo wareegay naadiga Partizan Belgrade xagaagii 2017 qiimo gaarsiisan  € 5.1m.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version