Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Aragtida Islamka Dagaalka Xamaas iyo Isreal iyo falcelinta dunida.

Dagaalka Xamaas iyo Isreal iyo falcelinta dunida.

0

Himilo – Dagaalyahanno ka tirsan ururka Xamaas ayaa saaka gudaha u galay dhulka Yuhuudda lagu deegaameeyey. Ku dhawaad 1,000 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa gudaha u galay dhulka ay Yuhuuddu haysato.

Waxa la rumaysanyahay in ay afduubeen dad aan tiradooda la aqoonin oo Yuhuud ah oo ay xoog ku haystaan. Waa markii ugu horraysay ee ay tan iyo sannadkii 1948kii.

Maamulka Yuhuuddu waxa ay sheegeen in hawlgalkii saaka lagu dilay 40 qof oo Yuhuud ah, sida oo kalena la dhaawacay 740 qof. Dhinaca kale, 160 qof oo Falastiinitiin ah ayay dileen diyaaradaha dagaalka ee Yuhuudda oo hadda duqayn xooggan ku garaacaya magaalada Qassa. Dhaawacu waxa uu ka badanyahay 1,000 qof.

Raysalwasaaraha Yuhuuddu waxa uu sheegey in dalkiisu uu ku jiro dagaal. Madaxweynaha Falastiin waxa uu sheegey in ay dadkiisu xaq u leeyihiin in ay is difaacaan.

Xamaas waxa ay sheegeen in gudaha dhulka Yuhuuddu ay haysato ay ku garaaceen wax ka badan 7,000 oo gantaal. Sida oo kale waxa ay Xamaas sheegeen in qabteen maxaabiis tiro badan oo Yuhuud ah oo ay ku jiraan saraakiil sare oo muhiim ah.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Faransiiska, Ingiriiska, Isbaanishka, Jarmalka, Booland, Giriigga, Talyaaniga … dhammaantood waxa ay cambaareeyeen tallaabada ay Xamaas qaadday, waxaanay ku tilmaameen fal argagixisonimo, waxaanay taageero buuxda u muujiyeen Yuhuudda.

Midawga Yurub waxa ay cambaareeyeen Xamaas. Waxa ay yidhaadeen ‘Yuhuuddu ha is difaacaan’.

Maraykanku waxa uu sheegey in ay Yuhuudda u furantahay jid kasta oo ay isku difaaci karaan. Waxa uu Maraykanku intaas raaciyay in Wasaaradda Difaaca ee Maraykanku ay Yuhuudda kala shaqayn doonto sidii ay isu difaaci lahaayeen.

Dawladda Ruushku waxa ay ku baaqday in dhinacyadu ay is xakameeyaan.

Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna dhinaceeda isxakamayn ku baaqday.

Masaaridu si dhexdhexaad u yara eeg ayay u hadleen, waxaanay ka digeen cawaaqib xumada ay arrintani yeelan karto.

Hoggaanka Turkigu waxa uu ku baaqay in ay dhinacyadu ka fogaadaan falalka gardaraysiga ah.

Dawladda Iiraan waxa ay hambalyaysay dagaalyahannada Xamaas ee hawlgalkan fuliyay.

Qatar waxa ay sheegtay in waxa dhacay ay masuuliyaddeeda leedahay dawladda Yuhuudda.

Dagaalyahannada Xisbullaah ee dalka Lubnaan waxa ay sheegeen in ay xaaladda isha ku hayaan, xidhiidhna ay la sameeyeen hoggaanka Xamaas.

  • Gantaalaha waxaa lagu rakibay; guri dhiggoodiiye,
  • Hadba Hooyo gaajaysan baa; lagu garaacaaye,
  • Sidii bay go’doon ugu jiraan; gulufna haystaaye,
  • Guudkay ka soo daawadaan; gurucyo dheertiiye,
  • Dhagaxaaba hiil galay markay; garabsi waayeene,
  • Gumaad iyo dhibaatiyo wixii; hadimo loo gaystay,
  • Wali gaylankiibay wadaan; geyshkii Falastiine!

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version