Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Dusan Vlahovic oo aan ku degdegi doonin inuu ka tago Fiorentina

Dusan Vlahovic oo aan ku degdegi doonin inuu ka tago Fiorentina

0

Himilo – Weeraryahanka kooxda Fiorentina Dusan Vlahovic oo lala xiriirinayay Arsenal ayaa la soo weriyay inuusan ku degdegi doonin ka tagitaanka naadigiisa inta lagu jiro suuq furankan.

Xiddigan reerka caalami ah ee reer Serbia ayaa dhaliyay 18 gool 21 kulan oo uu saftay intii uu socday ololaha 2021-22. Kooxo arkay waxqabadkiisa ayaa daneynaya saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay 90min, Vlahovic ayaa isku diyaarinaya inuu sugo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, markaas ayaa lagu wadaa inuu gaaro go’aanka mustaqbalkiisa.

Da’yarkan ayaa taniyo markii uu Fiorentina ku soo sanadkii 2018 u dhaliyay 47 gool, sidoo kale waxaa loo diiwaan geliyay 7 caawin 105 kulan oo uu u saftay naadiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version