Home Macluumaad Duuliye dhintay isaga oo si deg deg ah u dejinaya diyaarad

Duuliye dhintay isaga oo si deg deg ah u dejinaya diyaarad

0

Himilo- Diyaarad ku jirtay duulimaad maxali ah ayay qasab noqotay in si deg deg loo dejiyo markii uu wadno xannuun dareemay duuliyaha kahor inta uusan dhiman.

Duuliyaha oo 49 jir ah ayaa hoggaaminayay duulimaadka diyaarada Aeroflot Airbus 320 oo ka tagtay magaalada Moscow islamarkaana ku duuleysay joog dhan 33000 cag.

Sida laga soo xigtay Mirror, diyaarada oo ku socotay deegaanka loo dalxiis tago ee Anapa ayaa caga dhigatay garoonka Platov International Airport iyadoo la billaabay in gargaar loo fidiyo duuliyaha.

Waxaa la soo wariyay in waxyar kaddib uu geeriyooday duuliyaha. Waxaa hadda socda baaritaan la xiriira dhimashadiisa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version