Himilo – Weeraryahanka Roma Stephan El Shaarawy ayaa seegi doona labada lug ee ay wajahayaan Ajax Europa League, madaama uu 15 maalmood garoomada kaga maqnaanayo dhaawac muruqa ah.
El Shaarawy ayaa garoonka ka baxay isagoo dhaawac muruqa ah qaba kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Sassuolo sabtidii, Sky Sport Italia ayaa soo warisay ka dib tijaabooyinka maanta la sameeyay.
Weeraryahankan ayaa garoomada ka maqnaan doona 15 maalmood sababo la xiriira dhaawac muruqa ah oo ka soo gaadhay muruqa bowdada midig sidaas darteedna waxa uu garoomada ku seegi doonaa laba kulan oo ay la ciyaarayaan kooxda Ajax ee afar dhammaadka Europa League.
28 jirkaan, oo ku soo laabtay caasimada Talyaaniga bishii Janaayo, wuxuu ciyaaray 7 jeer Serie A tan iyo wixii ka dambeeyay, waxaana uu dhaliyay hal gool afar kulan oo uu ka ciyaaray Yurub.
