Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Elman iyo Jeenyo oo isku garab dhacay

Elman iyo Jeenyo oo isku garab dhacay

0

Kooxaha kubadda cagta Jeenyo iyo Elman ayaa kulan cayaareed ka tirsan horyaalka kubadda cagta Soomaaliya heerkiisa koowaad ku wada cayaaray gegada Banaadir Stadium.

Qeybtii hore ee cayaarta dhowr fursadood oo halis ah ayay labada kooxood isku heleen, hayeeshee midkoodna goolka ma aanay gaarin.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay cayaartoyda Jeenyo ee Feysal iyo Xasaasi ayay fursado goolal loo fishay soo mareen.

Qeybii danbe Elman ayaa u muuqaneysay mid daafac ku ururtay oo fursado yar oo rogaal celis ah dhowraneysay.

Cayaarta waxaa  maamulaneysay kooxda Jeenyo oo kubaddeedu ay dhimaneysay halkii dhameystir wacan ay ka heli laheyd.

Kulan cayaareedka ayaana ku soo idlaaday barbaro goolal la’aan ah oo dhibcaha ay labada kooxood ku wadaageen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version