Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Emre oo sharaf ku tilmaamay damaca Juventus ay ku doonayso.

Emre oo sharaf ku tilmaamay damaca Juventus ay ku doonayso.

0

Muqdisho – Emre Can ayaa sheegay inuu la dhacsan yahay xiisaha ay u heyso kooxda Juventus, wuxuuse  tilmaamay inuu kusii harayo Liverpool tiiyoo uu ku dhacay inuu heshiis cusub u kordhiyo.

Heshiiska 23-jirkan uu ku joogo Anfield ayaa ku eg dhamaadka xagaaga xilli laga dhursugayo inuu ballaariyo heshiiska.

Can ayaa dhaliyay 7 gool 95 kulan oo uu kasoo muuqday kulamada kooxda taniyo markii uu kaga soo biiray Bayer Leverkusen sanadkii 2014. Xiddigan ayaa sheegay inuusan hubin sida mustaqbalkiisu u ekaanayo.

“Aalabaa waa sharaf in xiiso sidaas u weyn ay kuu muujiyaan koox weyn,” ayuu yiri Can. “Wakiilkayga ayaana wixii intaas ka baxsan fiiro u yeelanaya.”

“Horyaalka PL waa mid degan oo aad xiiso iigu leh.”

Liverpool ayaa booska 8aad ee kala horraynta horyaalka kaga jirta.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version