Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Enrique oo dalbaday taageero inay kooxdiisu ka hesho taageerayaasha

Enrique oo dalbaday taageero inay kooxdiisu ka hesho taageerayaasha

0

Luis Enrique maareeyaha kooxda Barcelona ayaa ka dalbaday taageerayaasha kooxdiisu inay muujiyaan taageeradda ay u hayaan kooxda oo iminka dhibtooneysa, badina la’ saddex kulan oo horyaalka ah.

Labadii kulan oo ugu danbeysay kooxda horyaalka guuldarro ayay kala soo laabatay, waxaana u danbeeyay kulankii Real Soceidad ay xalay 1-0 uga badisay.

Macallin Enrique ayaa qirtay inaysan horaan isa siin horyaalka uuna doonayo in taageerayaashu ismuujiyaan kulanka ay Axadda soo aadan horyaalka la dheeli doonaan Valencia.

“Axadda waxaan doonayaa in ciidda Catalonia ay na caawiso kulanka aan ka hortageyno Valencia. Weligeen ma aynaan oran inay sahlan tahay, in horyaalku uu dhankeena yahay iyo wax  lamid ah.” Enrique ayaa sidaa ku yiri weriyaasha.

Habeenka Arbacada ayay kooxdan u safri doontaa Madrid, si lugta labaad ee Champions League ula soo dheesho kooxda Atletico Madrid.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version