Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Everton oo soo bandhigeysa xiiso xilli danbe ah oo ay u hayso...

Everton oo soo bandhigeysa xiiso xilli danbe ah oo ay u hayso difaac United ay leedahay

0

Himilo – Everton ayaa lagu soo waramayaa inay   xiiso xilli danbe ah u qabto daafaca Manchester United Marcos Rojo marka loo fiiriyo dhamaadka suuqa kala iibsiga.

Tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer ayaa loo maleynayaa inuu u furan yahay fekerka inuu 29 jirkan ka tago Old Trafford ka dib imaatinka saxiixa weyn ee Harry Maguire isbuucii hore. Tababaraha Toffees Marco Silva ayaa la sheegay inuu aad u jeclaa Rojo xagaagii hore, sida laga soo xigtay Daily Mail. ninka  reer Argentine ayaa haatan ku soo laabtay “aragtidiisa” isaga oo isha ku haya inuu keeno daafac cusub ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga.

Wargeyska ayaa sheegaya in Silva uu walaac ka qabo taam ahaanshiyaha ciyaaryahanka, si kastaba ha ahaatee, wuxuu doorbidi doonaa inuu heshiis amaah ah kula soo saxiixdo ikhtiyaarna u helo inuu si rasmi ah   u iibsado.

Everton ayaa horay  loogu deyriyay dalab amaah ah oo ay ku doonayeen  saaxiibkiisa Rojo Chris Smalling xagaagan, halka u dhaqaaqitaankii Kurt Zouma ee Chelsea ay sidoo kale ku guul darreysteen.

Rojo ayaa labo sano uga hartay qandaraaskiisa haatan ee United waxaana uu isbuucii qaataa ku dhawaad ​​80 kun ginni.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version