Home Habka-Nolosha Falcoa: “Waxaan iska diiday tiro dalabaad iiga yimid horyaalka Shiinaha.”

Falcoa: “Waxaan iska diiday tiro dalabaad iiga yimid horyaalka Shiinaha.”

0

Muqdisho – Weeraryahanka Monaco,  Radamel Falcao ayaa tilmaamay iska diidista ku dhawaad 3 dalabaad oo kaga yimid kooxaha horyaalka Shiinaha.

Mar loo tix-gelin jiray mid kamid ah weeraryahannada loogu cabsida badan yahay ee dunida, laacibka reer Colombia ayaa dhaawacyo hareeyay ku qaatay ciyaarihiisa danbe.

Hadda oo uu ban-dhigyada kusoo laabtay, laacibkan wuxuu kamid noqday kuwo dhowr ah oo ay isha la raacayaan naadiyada ka dhisan horyaalka Shiinaha.

“Ma fududa inaad iska diido dalab,” ayuu u sheegay L’Equipe. “Kol hore ayaan ku dhahay maya inaan kala hadlo saddax dalabaad oo la iisoo bandhigay.”

“Aniga iyo naadigaba waxaa u wanaagsan joogitaanka halkan. Waxaan rabaa inan guulo la gaaro Monaco.”

Laacibkan 30-jirka ayaa 18 gool ku dhaliyay 22 kulan-ciyaareed uu u saftay xagaagan kooxdiisa Monaco.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version