Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Fernandinho oo dalab muddo kordhin ah ka helaya Man City

Fernandinho oo dalab muddo kordhin ah ka helaya Man City

0

Himilo – Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay in Fernandinho u soo bandhigto qandaraas cusub oo ah in ciyaaryahanka khadka dhexe uu  qeyb ka sii ahaado kooxda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil  ayaa wajahaya tartan xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii  saxiixa rikoorka kooxda  ee Rodri uu yimid Isbuucan.

Fernandinho ayaa sannadkiisa ugu dambeeya ee qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa 2019-2020, waxaana la filayaa inuu noqon doono kan ugu danbeeya ee garoonka Etihad Stadium, laakiin The Sun ayaa sheegaysa inuu weli sii joogi karo.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa aaminsan in 34 jirkan uu weli heysto wax badan oo uu ku soo bandhigi karo qaab ciyaareedkiisa – wuxuu sidoo kale buuxin karaa dambeedka – sidoo kale waxaa loo arkaa inuu yahay mid aad u fiican.

Fernandinho, oo 34 milyan oo ginni uga soo biiray Shakhtar Donetsk 2013 ayaa 27 kulan u saftay Citizens xilli ciyaareedkii hore.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version