Home Cayaaro FIFA Oo Mamnuucday Dhalooyinka Biyaha Ee Dib Loo Buuxin Karo Inta Lagu...

FIFA Oo Mamnuucday Dhalooyinka Biyaha Ee Dib Loo Buuxin Karo Inta Lagu Jiro Koobka Adduunka 2026

0

Himilo – Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa mamnuucay in taageerayaashu ay garoomada la galaan dhalooyinka biyaha ee dib loo buuxin karo inta lagu jiro Koobka Adduunka 2026, inkastoo ay jiraan digniino isa soo taraya oo ku saabsan kuleylka daran ee la filayo inuu saameeyo taageerayaasha.

Horey xeerarka FIFA waxay u oggolaanayeen in garoomada lala galo dhalooyin caag ah oo madhan, kuwaas oo dib loo buuxin karo, balse hadda xeerarkaasi waa la beddelay, waxaana si cad looga mamnuucay taageerayaasha inay la yimaadaan dhalooyin noocaas ah.

Go’aankan ayaa dhaliyay su’aalo iyo walaac, maaddaama tartanka lagu qaban doono xilliga xagaaga ee dalalka Mareykanka, Kanada iyo Mexico, halkaas oo la filayo heer-kul aad u sarreeya. Khubarada cimilada iyo caafimaadka ciyaaraha ayaa ka digay in kuleylka daran uu kordhin karo khatarta xanuunnada la xiriira kulaylka ee garoomada bannaanka ah.

FIFA ayaa sheegtay in mamnuucidda dhalooyinka ay salka ku hayso arrimo amni, iyadoo xustay in qaar ka mid ah garoomada martigelinaya tartanka ay horeba u mamnuuceen dhalooyinka dibadda laga keeno. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in gudaha garoomada laga heli doono goobaha biyaha laga cabo, meelaha qaboojinta iyo nidaamyada buufiya ceeryaanta qabow.

Si kastaba, dadka dhaliilaya go’aanka ayaa sheegay in taageerayaashu ay wajihi karaan fursado xaddidan ama kharash badan oo ku saabsan helitaanka biyo inta ay ciyaaruhu socdaan.

Koobka Adduunka 2026 ayaa si wadajir ah u martigelin doona Mareykanka, Kanada iyo Mexico, iyadoo qabanqaabiyeyaashu ballanqaadeen adeegyo iyo kaabayaal la casriyeeyay si loogu diyaar garoobo tartanka oo sanadkan lagu kordhiyay tirada ka qeybgalayaasha.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version