Home Habka-Nolosha Florentino Perez oo qorshe cusub u degay lasoo wareegidda gool-hayaha Chelsea Thibaut...

Florentino Perez oo qorshe cusub u degay lasoo wareegidda gool-hayaha Chelsea Thibaut Courtois

0

Muqdisho – Madax-weynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa diyaar u ah in uu bixiyo Raphael Varane si kooxsiisu u hesho gool-hayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois, sida ay sheegay Don Balon.

Perez ayaa doonaya inuu heshiis la saxiixdo goolhaye cusub xagaaga, waxaana uu dareensan yahay in uu heli karo goolhaye Courtois si lamid ah wuxuu indhaha ku hayaa kan Manchester United ee David de Gea.

Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale xiiso u qabta Courtois, laakiin Perez ayaa rajeynaya inay Varane u adeegsan doonaan heshiis kasta oo Madrid ka caawin doona inay ku guuleysto tartanka loogu jiro xiddiga reer Belgium.

Real Madrid ayaa ku fashilantay soo xera gelinta xiddiga Man Utd ee David de Gea kaas oo ay ku raad joogeen shantii sano ee ugu danbeysay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version