Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Gabar haddiyad loo siiyay badweyn maalinta jaceylka Shiinaha!

Gabar haddiyad loo siiyay badweyn maalinta jaceylka Shiinaha!

0

Himilo FM –Haweenay u dhalatay Shiinaha ayaa boggaga dhinaca Internet-ka ku soo qortay dareenkeeda ku aadan haddiyad ay ka heshay saaxiibkeed 20-kii bishan May oo kamid ah maalmaha la xusayo jaceylka dalka Shiinaha.

Haddiyada oo ah tii ugu horreysay ee nuuceeda ah ayaa lagu sheegay 210 Hectar oo badweyn furran ah sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Shiinaha.

Badweynta ayaa ku taalla xeebta gobalka Shandong iyadoo ku dhaw jasiiradda Cheniushan, waxaana xaraash ku iibsaday ninka la saaxiibka ah gabadha.

Ninka bixiyay haddiyada oo magaciisa lagu soo koobay Zhang ayaa la rumeysan yahay in uu bixiyay 682,662 yuan oo u dhiganta $99,000.

Nuuca haddiyada oo aan horay loo arag ayaa ka dhigtay haweenayda inay ku shaaciso boggaga xiriirka bulshada Shiinaha.

Warbaahinta maxaliga ah ee gobalka Shandong ayaa ku soo waramaysa in haweenayda u cabatay saaxiibkeed iyada oo tilmaameysa in uu illoobay haddiyada maalinta 20-ka May oo kamid ah maalmaha jaceylka ee Shiinaha.

Dad badan ayaa faallooyin ka dhiibtay sheekada iyaga oo qaarkood rumeysan waayay hase ahaatee Zhang Xinnian oo ah sharci-yaqaan deggan Beijing ayaa xaqiijiyay jiritaanka heshiiska uu ninka ku iibsaday badweynta islamarkaana uu sida haddiyada ku bixiyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version