Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhex dhexaadin doona cayaar ay usoo daawasho tegi doonaan...

Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhex dhexaadin doona cayaar ay usoo daawasho tegi doonaan madaxda FIFA

0

Garsoorayaasha Soomaaliyeed Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Xamze Xaaji Cabdi, Mahad Cali Maxamed iyo Bashiir Colaad Carab ayaa dhex dhexaadin doono kulanka adag oo dhexmari doona qaramada Gabon iyo Sierra Leone.

Kulankan oo ka tirsan AFCON ayaa ka dhici doona gegada Gabon ku taal France Villa waxaana u soo daawasho tegi doona Madaxweynaha cusub ee FIFA Gianni Infantino.

Sidoo kale Issa Hayaou oo xilka FIFA si kumeel gaar ah u hayay markuu baneeyay Blatter ayaa u soo daawasho tegi doona kulankan ay dhexdhexaadinayaan garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Maallinta berito ah ayuuna kulankan ka dhici doonaa gegada France Villa.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version